Stress ku waa cadaadis xagga maskaxda
ah stress ku wuu kala duwan yahay
islamarkaana siyaabo kala duwan ayuu
ku yimaadaa. Dadku sida stresska ay u
qaabilaanna waa ay kala duwan tahay.
Stress ku waa qeyb ka mida nolosha banii aadam ka wuxuuna naga saacidaa
isla markaana na siiyaa firfircooni marka
xaalad adagi ay nala soo daristo tusaale
Marka qofku rabo inuu waqti kooban ku
sameeyo (qabto) howl iyo waaji baad
badan ayaa jirku isku diyaari yaa in uu qabto shaqadaas muhiim ka ah isagoo
jirku soo daayo dhacaamo (hormones)
jirka kicinaya arrin taas oo keenaysa in
qofka ku dhashaan noocyo stress ah si
qof ka uga dabaasho una fuliyo arrinta
iyo howsha culus ee soo food saartay Taasina waxay muhiim u tahay qofka si
uu uga dabaasho nolosha isbed bedel
keeda Waana reaction ama falgal caadi
ah oo u wanaagsan qofka Matalan haddii
ay xaalad adagi sida cabsi oo kale ay
qofka soo wajahdo waxaa ziyaada (kordha ama bata) garaaca wadnaha
cadaadis ka dhigga qofkana kor ayuu u
kaca waxaana badanaaya arrintaana
waxaa ka dhasha foojig naanta qofka si
xaaladaas adag ama cabsi jir ahaan iyo
maskax ahaan ba looga hortago (loo joojiyo).
Stress ka waa laba nooc.
1: nooc fiican (posativ stress) iyo
2: nooc xun (negative stress)
Stress ka fiican:
haddii qofka waaji baadka shaqada uu damacno in uu si dhaqso leh isaga
dhameystiro stresska ayaa ka
caawinaaya inuu siiyo tamar iyo awood
dheeraad ah oo u suuraa gelineysa in
qofka si dhaqsa ah ku dhameystiro
howlahiisa marka stress kaasi haddii uu qiyaas ku socdo jirka iyo maskaxduna si
dheli tiran ay u wada shaqeynayaan
markaa nooca stress kani waa kan
caadiga ah oo la oran karo stress ka
fiican (postive stress)
Stress ka xun. Haddiise qof ku uu xukumi waayo stress
kaas oo miisaanka wada shaqeynta jirka
iyo maskaxdu ay meesha ka baxdo
waxaa imaanaya stress ka jirrooyin ka
keena waana kan lagu magacaabo stress
ka xun (negative stress). Maxaa keena stress ka?
stress ka waxaa keena qofka oo dusha
iska saara ama cid kale ay dusha ka
saarto wax uusan awood ahaan qaban
karin ha ahaato xag dhaqaale ama xag
shaqo haddii arrintaas waqti dheer ay socotana waxay wax u dhimeysaa caafi
maadka maskaxda iyo jirka qofka. Maxaa
lagu gartaa sterss ka xun (negative
stress)
Qofka uu ku dhaco cudurka stress ka xun
waxaa calaamado iyo astaamo u ah oo lagu gartaa.
1: hurdada oo ku yaraata qofka.
2: concentration ka qofka oo hoos u
dhaca.
3: daal badan.
4: farxadda oo qofka ku yaraata, 5: xasuus yari.
6: nasaho laáan xagga jirka iyo
maskaxda xitaa hadduu qofku uusan
waxba qaban.
7: qofka oo jirka xannuun ka dareemo.
8: mararka qaarna madax xannuun lagu arko.
9: xanaaq badan.
10: dulqaad laáan.
Sidee qofku ku yareyn karaa ama uga
hortagi karaa Stress ka xun.
1: Haddii stress xun hayo qofka waxaa muhiim ah inuu isweydiiyo sababta
keentay stress kaas kaddibna uu wax ka
beddalo sababta keeneysa. Tusaale
haddii ay tahay xagga dhaqaalaha waa in
qofku isu miisaamaa dakhliga soo gala
iyo kan ka baxa oo qofku gartaa inuu wax aanu hayn maskaxda isaga mash
quulinin laakiin si macquul ah uu ugu
dadaalo sidii duruufa haas uu uga bixi
lahaaa isagoo ALLAH wakiila naya.
2: Haddii ay tahay sababta keenaysa
stress ka xumi xagga shaqada waa in qofka uu qabtaa intii awooddiisa ah
isagoo la tashanaya shaqo bixiyaha uu u
shaqeeyo.
3: Haddii stress ku ku yimid dhibaato
xagga qoyska qofka ka heysata waa in
xal loo helaa dhibaata daasi. 4: in laga fogaado muqaada raadka sida
qaadka sigaar ka iwm.
5: Waxaa sidoo kale yareeyaa stess ka
jirka oo la dhaqaajiyo sida jimicsiga,
orodka socodka iwm. Stress ku sabab ma
u noqon karaa in qofka ay ku dhacaan cudurro kale? cudurrada uu stress ku
keeni karo waxaa ka mida.
1: Dhiig karka.
2: sonkorawga.
3: wadna xannuunka.
4: cudurka buufiska. 5: nabarada coloosha iyo mindhicirada
cudurka gaaska.
6: waalli iyo caafimaad darro kale.
Culeyska ama miisaanka qofka oo zaaid
ah ma keeni karaa stress.
miisaan ka zaaid ka ah iyo Buurnida iyagaaba jirka ku ah stress Waxaa cilmi
baaris lagu ogaaday in qofka buurani uu
ka stress badan yahay qofka
miisaankiisu caadiga yahay.
Haddaba haddii aad leedahay
dhibaatooyin la xiriira cudurka stress ka ama cudurka stress ka kugu hayo
dhibaato caafimaad isla markaana uu
kuu keenay dhibaatooyin caafimaad oo
xagga jirka iyo maskaxdaba leh ama uu
jiro cudur ama xanuun kugu hayo
dhibaato isla markaana kugu beeray stress iyo isku mashquulid aan sax aheyn
ama ba ay jiraan cuduro iyo xanuuno kale
isla markaana dhibaatooyin caafimaad
kugu haya la soo xiriir dhaqaatiirta ka
howl gasha website kan dhaqaatiirta
ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si
aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo
tusaaleyn caawi maad inshaa allaah
mahad sanidiin.