waa xanuun ka mida ( STD ) yada
Cudurada lagu kala
qaado galmada. Waxey keeni kartaa
natiijo xun hadii muddada cudurka jirka
ku jiro dheeraato,
hadii aan hore loo daween. Chlamydi yadu waxay waxyeeshaa
madaxa ilma-dhaleenka Iyo indhaha lab
iyo dhedig ba. Astaamaha xanuunku xili
kasta way soo bixi karaan. Inta badan
waa 1 ilaa 3 usbuuc marka uu qofka ku
dhaco. Hasa yeeshee waxa laga yaabaa inaaney muuqan ilaa muddo dheer ka soo
wareego.
Astaamaha iyo calaamadaha Dumarka:
Astaamaha marka ay doonaan bay soo
baxaan. Inta badan 1 ilaa 3 usbuuc kadib
marka aad qaado cudurka . Hase yeeshee, waxaa
suurto gal ah inaanad wax astaana isku
arag ilaa ay mudo kasoo wareegto.
Dadka qaar baan wax astaamo ah aan
lagu arag.
Astaamaha suurto gal ka ahi waa sida tan
1: Caadada oo yara badata taas oo
sababta
tuubada caadada oo yara weynaata.
2: Kaadida oo badata ama xanuun aad
dareento marka aad kaadineyso. 3: Qaybta hoose ee caloosha oo ku
xanuunta.
4: Xanuun aad dareento galamada.
5: Caaadada oo si aan nidaam sanayn u
timaada.
6: Xanuun iyo barar kaaga dhaca indhaha (hadii infekshanku gaaro).
Raga: Astaamaha infekshanka markasta
way
soo bixi karaan. Inta badan ilaa 1 ilaa 3
Usbuuc kadib marka aad qaaday cudurka.
Hase yeeshee, waxaa suurto gal ah inaanad
wax
astaana isku arag ilaa ay muddo kasoo
wareegto. Raga ayaa inta badan
astaamuhu ka muuqdaan laakiin iyaguna
waxa suurtogal ah inaaney waxa astaama ahi ka muuqan.
Astaamaha ka muuqan kara waxaa
kamida:
1: Dhacaan cad oo cawrada ka yimaada.
2: Kaadida oo badata ama xanuun aad
dareento marka aad kaadineyso. 3: Xanuun iyo barar kaaga dhaca indhaha
(hadii infekshanku gaaro).
Sidee chlamydi yadu loo qaadaa
Chlamydia waxaa loo kala qaadaa:
Adoo la seexda qof qaba xanuunka Hooya
doo dhalmada ugu gudbisa ilmaha Marmar faraha oo marka ay cawrada
taabtaan xanuunka u gudbiya indhaha.
Daaweyn ma leeyahay cudurkaan?
Cudurkaan waa cudur hadii aan la
daaweyn keeni kara qatar badan balse
waa cudur si fudud ku daawooba deg deg na ku baxa hadii daawada loo qaato
si sax ah 2 da is qabtaa waa in hal mar
daawada qaataan.
Daaweyn rasmi ah lana qaato muddo 1
bil ah ayuu leeyahay cudurkaan.
La soo xiriir dhaqaatiirta website kani hadii aad isku aragto calaamadaha
cudurkaan ama aad qabto cudurka inshaa
allaah daaweyn talo iyo tusaaleyn
waxaa diyaar kuu la ah dhaqaatiirta
website kaa mahad sanidiin.