Fibromyalgia waa cudurka sababa lafa
xanuunka ugu caansan marka laga reebo
riixa loo yaqaano (Osteoarthritis)
Badanaa xanuunkaan waxaa lagu
qaldaa xanuunnada kala ah riixa,
roomaatiisamka iyo lafa xanuunnada kale. Fibromyalgia waa xanuun raaga
wuxuuna keenaa.
1: xanuun joogta ah
2: tig tig naan
3: danqasho murqaha, seedaha iyo kala-
goysyada. Fibromyalgia waxay ka koobantahay laba
eray oo kala ah:
1: Fiber: oo ah Liif
2: Myalgia: oo ah Murqo xanuun.
Waxaa kaloo cudurkaan la socon karaan
xaaladahaan soo socda. 1: daganaansho la'aan
2: daal
3: tabar darri
4: wel wel
5: walaac
6: iyo socodka caloosha oo isbadasha (saxaro adeeg ama shuban)
Waxa sababa ama keeno cudurkaan ilaa
iyo hadda lama garanayo.
Fibromyalgia waxuu kaga duwan yahay
cudurrada kale ee lafaha iyo murqaha ku
dhaca ma keeno wax dhaawac ama burbur lafo ama bur bur ku dhaca
muruqaha maxaa yeelay ma
wato cudurkaan wax calaamad caabuq
ama belbel hurgun ka baxsan
xanuunkaas. Tusaale ahaan: cudurka
roomaatiisamka wuxuu keenaa lafo qallooc sida gacmaha iyo faraha oo kale.
Cudurka fibromyalgia wuxuu u badan
yahay haweenka in ka badan 80%
wuxuu ku dhacaa dumarka u dhaxeysa
da'dooda 35 ilaa 55 sano.
cudurka kuma badno caruurta yar yar iyo dadka da'da ah. Calaamadaha lagu garto
cudurka Fibromyalgia waxaa ugu horeeya
xanuun oo ah mid ay kicin karaan wax
yaabahan soo socda.
1: qeylada
2: isbadallada cimillada iyo 3: laab lakaca.
Xanuunku wuxuu ku faafaa jirka oo dhan
waxaana xanuunka badan kiisa laga
dareemaa xubnaha qaarkood sida.
1: qoorta
2: barida, 3: garbaha
4: gacmaha,
5:dhabarka
6: iyo xabadka.
calaamada kale ee aad isku arkeyso
waxaa kamida. 1: daal
2: tabar darri taa soo lagu arko 90%
dadka qaba cudurkaan.
3: madax xanuun
4: calool-xanuun
5: kaadi heysta oo xanuunta ayaa la socon karta.
Sidee takhaatiirta ku gartaan cudurkaan?
Cudurkaan malaha baari taano dhiig
ama mid raaja ba taa soo lagu fahmi karo
cudurkaan laakiin baaritaanna daas
waxay meesha ka saarayaan cudurrada kale oo lagu qaldi karo cudurkaan, sidaas
ayaana lagu sheegi karaa. Waxaa
cudurkaan lagu gartaa kaliya cabashada
bukaaanka iyo baaritaan muuqaalka ah
oo dhaqtarku sameeyo (physical
examination) daaweynta cudur kaan waxay ku xirantahay qofka waxa uu ka
cabanayo maadaama cabashada
bukaanka ay kala duwanaan karto iyo
cabashooyin kaas laftir kooda oo aan
xiriir lahaan karin. waxaa se muhiim ah
in qofka sameeyo wax yaabahan soo socda inta uu ka helaayo xal caafimaad
oo waara inshaa allaah.
1: in wel welka uu yareeyo
2: in uu jimicsi sameeyo iyo
3: in uu si rasmi ah isaga daaweeyo
cudurkaan waxaana xusid mudan in agbi ahaan ba aysan jirin daawo chemicals ah
oo si rasmi ah u daaweynaysa cudur kaan
balse daawo rasmi ah oo cudur kaan
bogsiineysa bi idni llaah waxaa laga
helayaa daawooyin ka dhirta ah ee
dabiiciga ah. Waa muhiim in bukaanka laga wacyi
galiyo cudurkaan si uu u fahmo waxa uu
ka cabanayo inay yihiin calaamado kala
duwan laakiin hal cudur isku ah.
Daraasadii ugu dambeysay ee lagu
ogaanayo sababta keenta cudurkaan waxa ay sheegtay in maskaxda meel ku
taalla loona yaqaanno (Insula) in ay ka
dambeyso xanuun kaan fibromyalgia.
Haddaba haddii aad ka cabaneyso ama uu
ku hayo xanuun lafaha murqaha seedaha
kal goys yada aad na isku aragto wax kamida caalamadaha cudurkaan ama uu
jiro guud ahaan xanuun iyo cudur kula
darsay noloshaadiina wax badan ka
bedelay ama xanuunadaasi ay hayaan qof
kamida ehelkaada asxaabtaada la soo
xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay
daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo
xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo
rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad
intaba waxaa diyaar kuula ah
dhaqaatiirta website kan inshaa allaah mahad sanidiin.