Neeftu waan cudur saameeya neef
mareenka hawada (Airways) oo ah
dhuumanka sanbabada geeya hawada
kana soo qaada. neef mareenka hawada
ayaa barara ama ba mararka qarkood
waxaa xira xab (Mucus) oo markaa hawadii ayaa qofka ku noqotaa cariiri
taasoo sababta dareen neef yaraan oo ay markaas kugu adkaato in aad si caadi ah u neefsato.
Sideen ku ogaan karaa in aan neef qabo?
Haddii aad neef qabto waxaad isku arkaysaa:
1: Qufac, gaar ahaan habeenkii iyo
markaad jimicsi sameyso kadib (After
exercise)
2: Xabadka oo aad ka dareento
cabursanaan (Chest Tightness)
3: Neef tuur ama neefta oo kugu yaraata
xitaa adiga oo aan sameynin wax jimicsi ah (Shortness of breath).
4: Marka aad neefsanayso ama aad
neefta tuurayso (breath in and out) waxa aad lahaa neysaa dhawaaq xiiq ah (Wheezing).
Maxaa keena Neefta?
Waa adag tahay in si hubaal ah loo
yiraahdo waxaa saa sababa ama keena,
cudurka neefta laakiin inta la ogsoon
yahay wax yaabaha keena waxaa ka mida:
1: Haddii waalidiin taa ay qabeen neefta, aleerjiyada ama cuncun ka, adigana waxa ay u badan tahay in cudurkan neeftu kugu dhaco.
2: Nolosha ama sida aad u nooshahay tusaale ahaan guriga ama hoyga aad
degan tahay, raashinka aad cunto iyo
deegaanka aad ku nooshahay
(Environment) sida uu nadiif u yahay
waxaa soo dhan saameyn weyn bay ku
leeyihiin in uu kugu dhaco cudurkan neefta.
3: Carruurta waalidkood sigaarka ama
shiishada / beebka caba halis bay u yihiin in ay neefta ku dhacdo Waxaa ka loo baaritaan lagu caddeeyay in hooyada sigaarka cabta inta ay uurka leedahay in cunugeeda qatar ugu jiro in uu qaado cudurka neefta noloshiisha dambe.
4: Hawada wasaqeysan (Environmental
pollution) sidoo kale ayadana qeyb bay ka qaada taa keenidda cudurkan neefta. Maxaad sameynaysaa haddii ay kugu dhacdo neefta weerarka ah (Ashma
attack) ama neef kugu soo boodo.
1: Qaado daawa daada dhuuqidda ah
(Inhaler) sida saxda ah ee laguugu soo
qoray
2: Fadhiiso oo ha jiifan (do not lie down) iskana bixi ama iska dabci dharka kugu
dhegan (Tight clothing). Haddii aadan isla markiiba wax roonaana iska dareemin ilaa shan daqiiqo, halkii daqiiqaba hal mar isticmaal daawadaada ilaa inta aad ka soo fiicnaaneyso. Haddii shantaas daqiiqo aad ku fiicnaan weyso waa inaad si deg deg ah u raadi saa xal daaweyn ah oo rasmi ah siina wad daawadaada daqiiqadiiba inta aad ka helayso daaweyn rasmi ah.
Maxaad sameynaysaa haddii aad joogto
meel miyi ama tuulo ah oo aad aragto qof neeftii ay ku soo booday (asthma
attack) oo aanan haysan wax
daawada dhuuqidda ah (Inhalers) ?.
Xalka ugu haboon waa adigoo hela wax
uu ku neefsado qofka sida (paper bag)
warqad godan oo sida kuwa wax lagu qaato oo kale ah ama wixii la mid ah.
Isku day in aad qalbiga u dajisid inta uu
ka helaayo daaweyn rasmi ah amaba aad ka geeyneysid meel uu ka heli karo
gargaar degdeg ah.
Cudurka neefta sidoo kale waxaa jiraan asbaabo kale oo haddii qofka ay soo food saaraan ku dhici karto neefta waxaana ka mida.
1: nuqsaan iyo hoos u dhac ku yimaada
qaar kamida fitamiinada jirka (vitamins) gaar ahaan vitamin nada A iyo C baaritaano la sameeyay ayaa lagu
xaqiijiyay in asbaabaha keena cudurka
neefta ay hormuud ka yihiin hoos u dhaca vitamin nadan muhiim ka ah.
2: sidoo kale asbaabaha sababi kara
cudurka neefta waxaa kamida in qofka ku sumoobo sida in uu ku sumoobo
raashin ama qaar kamida daawooyin ka
qaar oo uu qofka kala kulmo xasaasiyad
aad u daran.
3: wax yaabaha sidoo kale sababa
cudurka neefta waxaa kamida in qofka taabtaan ama jirkiisa galaan
shayaadiinta ama jinka taa soo marar ka qaar sababi karta in qofka ay ku
sameeyaan xaalado ay kamid tahay
hawada oo qofka si fiican u qaadan
waayo sidoo kale wax yaabaha sababa waxaa kamida cudurada qaar kood oo
qofka ku raaga ama uusan iska
daaweynin cudurada sababi kara neefta
waxaa kamida cudurka baabasiirka
cudurada sababa in difaaca jirka ee
qofka hoos u dhac ku yimaado ayaa iyaguna noqon kara waddo qofka u
sahasha in ay ku dhacdo cudurka neefta.
Haddaba haddii aad leedahay neef
noocay doonto ha ahaatee dhibaatooyin
badan aad kala kulan tay la soo xiriir
dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay
daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo
xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo
rasmi ah kaana bogsiisa cudurka neefta
bi idni llaah si aad u hesho talo iyo
tusaaleyn caawimaad buuxda inshaa allaah mahad sanidiin.