Lafaha qal foof ka madaxa waa kuwo
adag si ay u ilaaliyaan maskaxda. Marka
madaxa laguu gu dhufto ama xoog
madaxa laguu gu dhufto maskaxda
dhaawac ayaa gaara.
marka ay maskaxda ku dhaqaaqdo xawaare ka duwan kan qal foof ka
Maskaxda ama qayb maskaxda ka mid ah
jug ayaa gaari karta, way kala
jiidmi kartaa ama kala dillaaci kartaa si
uu dhiig uga yimaado.
Qofka waxaa laga yaabaa iney soo gaaraan hal nooc ama noocyo badan oo
dhaawac maskax ah. Ka soo kabashada
dhaawaca maskaxdu wuxuu qaadan
karaa waqti dheer. Waxyeellada
Dareemayaasha Marka ay maskaxdu
gadaal iyo horey ugu dhacdo qal foof ka, dareemayaasha maskaxda ayaa kala
jiidma ama kala dillaaca. waxaana laga
yaabaa in tilmaan lagaa siiyo dhaawac
fudud, mid dhexe ama mid daran oo
maskaxda soo gaaray.
Calaamadaha waxyeellada dareemayaasha waxaa ka mid ah.
1: miyir beelid, loo yaqaanno kooma,
2: dhaq dhaqaaqid aan caadi ahayn oo
gacmaha iyo lugaha ah.
3: cadaadiska dhiigga oo sare u kaca.
4: qandho. 5: Ogsijiin La’aan ama ogsijiin la’aan
dhammaan maskaxda ah ama qaybo
ka mid ah maskaxda waxaana loo
yaqaannaa anoksiya (anoxia).
6: Dhaawac ku yimaada socodka dhiigga
maskaxda kaasoo yareeya ogsijiintu wuxuu waxyeello u keeni karaa
maskaxda. Tan waxaa ka mid ah
A: wadne qabad,
B: hawlgab maskax (faalig),
C: isku dhexyaacid ama dhaawac ka
yimaada dhiig la’aan. Waxaa kale oo dhici karaan dhibaatooyin
kale sida xusuus beelid, dabeecadda
qofka oo isbedesha, dhibaato hadalka ah,
Marka la qabo anoksiya (anoxia) daran,
kooma waqti dheer ama dhimasho
maskax ayaa laga yaabaa iney qofka ku dhacdo. JUGTA.
Jugta ama dhaawac jug waxay dhici
karaan marka madaxa wax lagu dhufto
isla markaana maskaxdu ay gadaal ama
horey ugu dhacdo qalfoofka. Dhiig
maskaxda gudaha kaga shubma ama dillaac qal foof ayaa laga yaabaa inuu
dhaco. Jugtu waxay keeni kartaa
1: barar,
2: kooma,
3: suuxdin,
4: waxyeello maskax ama cadaadis sarreeya oo ka dhex dhaca qalfoofka.
HEMATOMA
Hematoma waa mug ama kuus dhiig ah.
Waxaa jira 3 nooc oo hematomas yo ah
iyagoo ku saleysan mugga dhiigga.
1: Dhiigga ku uruura lakab ka sare (Epidural hematoma) waa lakab ka sare
ee maskaxda ee u dhexeeya maskaxda
iyo qal foof ka.
2: Dhiigga ku uruura lakab ka dhexe
(Subdural hematoma) waa lakab ka
dhexe ee maskaxda. 3: Dhiigga ku uruura qaybta gudaha
( Intracerebral hematoma) waa qeybta
gudaha ee maskaxda.
Hematomas yadu waxay keeni karaan
barar maskax, cadaadis sarreeya oo ka
dhex dhaca qalfoofka, ama kooma. dhaqaatiirta ayaa badanaa xaalada haan
oo kale waxa ay adeeg sadaan Qalliin si
meesha looga saaro hematomada. Tan
waxay ku xiran tahay meesha ay
hematomadu ku taallo iyo iney sii
ballaaranayso ama dhibaatooyin keeneyso iyo in kale. Hematomada waxaa
laga yaabaa ineysan keenin saameyn sii
jirta muddo badan , laakiin dhaawac yada
kale ee maskaxda ayaa laga yaabaa iney
isku mar dhacaan hematomada. Dhiig
Gudaha ugu shubma maskaxdu waa dhiiga maskaxda gudaha uga furma.
Dhiig baxu wuxuu ku imaan karaa 3
meelood oo maskaxda ka mida 1:
Maskaxda duleedkeeda waxaana loo
yaqaannaa dhiig baxa maskaxda
duleedkeeda (subarachnoid hemorrhage). 2: dhiiga baxa Nudaha maskaxda ama
marinnada maskaxda waxaana loo
yaqaannaa dhiig baxa maskaxda
gudeheeda (intraventricular
hemorrhage).
3: dhiig baxa Gudaha maskaxda waxaana loo yaqaannaa dhiig baxa maskaxda
gudeheeda (intracerebral hemorrhage).
Dhaawac yada gaara maskaxda waa
badan yihiin mana aha kuwo halkaan
lagu soo koobi karo sidoo kale dhaawac
yada maskaxda ma keenaan oo kaliya xaaladaha ka yimid dhaawac yada toos
ka ah sida jugta soo gaarta maskaxda
marka madaxa si xoogani wax ugu
dhacaan sidoo kalena waxaa jirta cudurro
badan oo iyaguna keeni kara dhaawac iyo
bukoosho soo gaarta maskaxda qeybaheeda kala duwan.
Cuduradaasi waxaa kamida tusaale
1: guud ahaan infection saameeya
maskaxda
2: burooyin ka soo dhasha maskaxda.
3: cudurada sonkorta iyo dhiig karka 4: tb da ku dhacda maskaxda
5: cudurka baabasiirka
iyo cuduro badan oo si gaara maskaxda
ugu dhaca iyo kuwo kale oo iyaguna jirka
banii aadam ka oo dhan kuwada dhaca.
Cuduradani ma aha iney si toos u geysanayaan dhaawac maskaxeed balse
si dadban oo laga yaabo iney tahay tartiib
tartiib ayey maskaxda u dhaawici karaan
iyagoona ku fidinaya maskaxda caabuq
iyo hurgun ama kala xirayo qeybo muhiim
isu ah oo wada shaqeyni ka dhaxeyso sida burooyin ka ku dhaca maskaxda
arrimahaan iyo kuwo kale oo badan
waxay sababi karaan dhaawac iyo
bukasho maskaxeed oo joogto noqon
kara haddii aan si rasmi ah loo
daaweynin. Si kasta ba ha ahaatee haddii aad
leedahay dhaawac yo maskaxeed jug ama
dhibaato cudur kuu geystay ama uu jiro
xanuun iyo cudur guud ahaan noloshaada
saameeyay la soo xiriiir dhaqaatiirta ka
howl gasha website kan Dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay
daaweyn rasmi ah inshaa allaah
La soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho
daawo rasmi ah si aad u hesho talo iyo
tusaaleyn si aad u hesho caawimaad
inshaa allaah mahad sanidiin.