haweenka Minkooda ama rixim kooda
80% ama 85% wuxuu u jan jeeraa xaga
hore dhanka caloosha waxaana loo
yaqaanaa (Antiverted) Minka ama riximk
Qalooca waxaa laga wadaa marka uu
Minka ama riximka u jan jeero xaga dhabarka waxaana loo yaqaanaa
(Retroverted)
waxaana Minka noocaan ah qaba 15%
ama 20% oo haweenka ah. Sababaha
keena Minka Qalooca , Badanaa waa ku
dhalasho Waxaa dhici karta mararka qaarkood in ay keento dhalmada badan ,
gaar ahaan hadii ay jirto fool dheer taas
oo keeni karto in ay dabcaan xargaha
celiyo Minka. Kansarada Minka ku dhaca
qaarkood waa keeni karaan Minka ama
rixim ka oo Qaloocma. Jirooyinka qaarkood ayaa keeni karaan Minka ama
rixim ka dumarka oo qaloocma. jirrooyin
kaasi waxaa ka mida. 1: Endometriosis)
taasoo keeni karto xargaha Minka ama
rixim ka dumarka iney adkaadaan markii
darbiyada Minka ama riximka iyo xiidmaha oo kale ay isku dhagaan.
2: cudurka baabasiirka ayaa isaguna ah
cudur sababa inuu qalloocmo minka ama
riximka dumarka
3: qaliinada iyo operation nada lagu
sameeyo gudaha minka ama riximka dumar ka ayaa iyaduna sabab kale oo
keeni karto in minka dumarka qaloocmo.
4: jimicsiga xad dhaaf ka ee dumar ka
qaarkood sameeyaan ayaa iyaduna noqon
karta sabab ah in minka qaloocmo.
Dhibatooyinka ka imaan karo Hadii aysan jirin dhib la taaban karo
sida kuwa kor kuxusan qasab ma aha in
la daaweeyo dumarka qaar ayaa lahaan
kara cilladaan oo kale iyadoon wax
dhibaata ah kala kulmin.
Laakiin hadii ay jirto dhib la taaban karo sida ilmaha oo hooyada kasoo dhacaan
ama uur yeelashada oo soo daahdo ama
dhibaatooyin la xiriira xagga caadada
sida xanuun xad dhaaf ah ee caado ama
dhiiga caadada oo noqda mid xad dhaaf
ah markaa wuxuu u baahan yahay daaweyn rasmi ah.
DIGNIIN.
qallooca minka ee inta badan dumarka
soomaalida iyo dumarka farsamada wax
ku daaweeya ay sheegaan ma aha
qalllooca minka ee saxda ah qallooca minka haddii uu ku yimid qaab cudur ama
qaab farsamo xumo inta badan waxaa la
socdaan dhibaatooyin caafimaad sida
kuwa aan kor ku soo xusnay haddii se
qallooca minka ka yimid qaab ah ku
dhalasho tani inta badan ma keento dhibaatooyin waaweyn waxaase naga
xusuusin ah qallooca minka ama riximka
kaliya waxaa ogaan kara dhaqtar
baaritaan qoto dheer sameeyay mana
aha xaalad cid walba si sahlan ku ogaan
karto sidoo kale waxaan naga xusuusin ah in ay jiraan cuduro badan oo ku dhaca
dumarka isla markaana keeni kara
dhibaatooyinka ka dhasha minka oo
qalloocma sidoo kalena iska waafaqi
kara calaamadaha iyo astaamaha.
Si kasta ba ha ahaatee haddii aad leedahay xanuuno la xiriira xagga
xubnaha taran ka sida dhalmada oo
daahdo ama dhalmada oo la waayo ama
hakad ku yimaado dhalma daada iyo
guud ahaan caqabadaha la xiriira xagga
taranka rag iyo dumar ba ama uu ku hayo xanuun iyo cudur guud ahaan noloshaada
kala dhantaalay si fudud la soo xiriir
dhaqaatiirta ka howl gasha website kan
dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay
daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo
xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi ah caawimaad talo iyo tusaaleyn
inshaa allaah mahad sanidiin.