Tuesday, April 17, 2012
Cudurka biijada
cudurka (Biijada) waxaa loo yaqaanaa (angular stomatitis ama angular cheilitis). hadii aan sii sharaxno waa nabro gaduudan ama
dilaac ama jeex jeex ku yaala geesaha faruuraha ama afka. Biijada waxaa sababa wax yaabo badan waxaana ka mid ah:
1: infection nada ka yimaada cudur iyo caabuq dhaliya yaasha loo yaqaano fungi ga sida candidal iyo qaar kamida bacteria yada sida staphyloccocol.
2: dhiig la'aan ta ka timaada maadada birta oo jirka ku yaraata (iron deficiency) ama anemia.
3: vitamins yada oo jirka ka nus qaamaan gaar ahaan kuwa ( B2- riboflavin, B9-folate or B12 cobalmain).
4: caruurta waxaa iyagana ku sababi kara marka geesaha afka ee iska qaniinaan ama suulka nuugaan ama faruuraha jiid jiidaan.
5: sidoo kale biijada waxaa sababi kara maadada loo yaqaano (Zinc) oo jirka ku yaraato.
6: sidoo kale waxaa jirta nooc kamida nooc yada biijada oo ay sababaan cudurada gaaska iyo qaar kamida cudur dhaliya yaasha gooryaan ka loo yaqaano.
haddaba haddii aad isku aragto cudurkaan dhibaatana uu kugu hayo xal daaweyn rasmi ah na aad u weysay la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.