Schizophrenia waa jirro iyo cudur aad u daran oo qofka ku keenta dheeli tirnaan la’aan sida qofka uu u fakaro, sida qofka dareen kiisa ama falal kiisa in ay ula muuq daan si ka duwan sida caadiga ah.
Cudur kaan ayaa Qofka ku keenaya in uu kala kulmo dhibaato kala saaridda dhabta iyo khiyaaliga.
Calaamada cudurkaan waxaa ka mid ah. 1: qofka oo maqla ama arka waxaan jirin.
2: qofka oo si joogta ah ugu maleeya in la fiirsanayo ama la daba socdo, dabeecada hiisa horena dhamaan is bedelaan isagoona qofka muujiya dabeecado aan caadi ahayn.
Schizophrenia ma aha qof dhawr qof isugu jira (multiple personality) sida dad
badan u haystaan sida aad ku aragto sawirka kore Sidoo kale ma aha
sida dad badan u haystaan oo ah inuu qofka cudurkan qaba yahay qof gacan qaad badan (violent) sida telefishinada iyo aflaanta lagu muujiyo, runtii aad buu ugu yar yahay arrinkaasi dadka jiradan
qaba balse qofka qaba cudurkaan ayaa maleeya iska dhaadhiciya ama isku arka in uu isugu jiro dhowr qof. Cilmi-baara yaasha cudurkan, waxay leeyihiin sida cudurka kansarku uu u leeyahay qaybo kala duwan ayaa jirada Schizophrenia u
leedahay qaybo kala duwan, mana aha
hal jiro oo qura. Badanaa jiradani waxay bilaabataa xilliyada uu qofku qaan gaarayo, cilmi baaris ayaa tilmaantay in ay dhaxaltooyo noqon karto qaadida cudurkaan. Tusaale ahaan ilmaha waalid kiisa mid ka mid ah uu qabo jiradan, waxay u badan tahay inuu 10% cudurkaan qaado marka loo barbar dhigo ilmo aysan labadiisa waalid midna qabin jiradaan 1% oo kaliya la filayo inuu qaadi karo cudurkaan.
cilmi baaris cusub ayaa muujisay inay
jirada tahay dheelitir la’aan dhinaca qaab dhismeedka maskaxda iyo unugyada (biochemical) dhaq dhaqaaqa kiimikada. Cilmi baara yaasha ayaa isku raacsan bii ’ada ama degaan ku inuu saamayn ku leeyahay qaadida cudurkaan. Waxyaabaha cudurkaan lagu garanayo waxaa ka mid ah:
1: delusion oo ah khiyaali aan sal lahayn oo qofku rumeeyo.
2: hallucination oo ah maqlid ama
arag wax aanan jirin, ama dareemid wax aanan jirin sida gubasho, hab fakir aan fiicneyn.
3: Waxaa iyana ka mid astaamaha
lagu garto qofka oo dadka ka dhexbaxa,
dadka qaarna ku sanifa, bilaa sabab fal
ku kicid iyo xamaasad aan sabab cad
lahayn.
4. Waxaa kale oo lagu gartaa in astaama hani ka muuqdaan qofka qaba cudurkaan ugu yaraan laba asbuuc, iyadoona dadka qaarkii ee cudurkaan ku dhaca na calaamadaha ka soo muuq daan muddo lix bilood gudahooda.
Wax yaabaha ay wadaagaan dad badan oo qaba cudurkaan waxaa ka mid ah:
1: Dhalanteed (wax la rumeysan yahay oo dhabtii aan jirin)
2: Isku-sawirid (hallucinations) (dareenka
waxa dhacaya oo aan dhabtii jirin)
3: Fikrad aan habeysneyn oo ku saleysan
dhalanteed iyo isku-sawirid wax aan jirin.
4: Dhaqan aan caadi ahayn oo ka imanaya sedexda xaaladood ee aan kor ku soo xusnay.
schizophrenia waxay badanaa ku bilaaban taa si deg deg ah oo daran. schizophrenia da daran, waxa ay noqon kartaa cudur mudo dheer jira.
Tiro ku dhaw 90% dadka uu ku dhacay cudurkaan markii ugu horeysay ayaa ka bogsoon doona marka laga daaweeyo
Laba qodob oo muhiim ah:
1: dad badan ayaa schizophrenia ku
khalda ruuxa “laba shakhsiyadood” leh
(split personality) ama “shakhsiyaad badani” ku jiraan. Hase yeeshee
schizophrenia waxaa loola jeedaa marka ay jiraan faraq u dhexeeya fikirka iyo dareenka, ee kuma saabsana shakhsi yadda qofka.
2: Dadka qaba schizophrenia waa dhif in ay halis iyo qatar ku noqdaan dad ka kale dadka cudurka qaba intooda badani waa dad jilicsan oo iyagu isku kooban oo ay u badan tahay in ay naftooda wax yeeleeyaan halka ay dadka kale wax yeelo u geysan lahaayeen.
Dad badan ayaa sidoo kale u maleeya schizophrenia in uu ka dhasho nooc kamida nooc yada sixirka kaa soo qofka ku keena astaamo iyo calaamado la mida calaamadaha lagu arko qofka qaba cudurkaan balse cudurkaan waa cudur jira mana keeno sixir iyo wax lamida waa cudur ku dhaca maskaxda inshaa allaah na waxaa noo soo socda asbaabaha keena cudurkaan iyo macluumaad badan oo ku saabsan inshaa allaah.
WAA SOCOTAA.