Meniscus tear waa dillaac ku dhaca
carjawda jilibka, waana dhaawaca ugu
badan ee jilibka soo gaara.
Carjawda Meniscus waxay ka caawisaa
jilibka in si miisaaman u shaqeeyo,
culeeskana ka yareeyo jilibka. Dillaaca carjawda waxay jilibka u diidaa
in si sax ah uu u shaqeeyo. Badanaa dillaaca wuxuu dhashaa markii
jilibka si lama filaan uu u wiliqsamo ama culees xad dhaaf ah aad qaado.
mar kasta oo qofka weynaado wuxuu halis ugu jiraa in carjawda jilibka ay dillaacdo. Haddii dillaaca uu yahay mid yar waxaad daremeysaa xanuun iyo barar kaa soo iska
baaba'o laba usbuuc illaa 3 usbuuc.
Haddii uu dillaaca dhex dhexaad yahay
xanuunka wuxuu daran yahay zaaid noqdaa maalinta labaad ama sedexaad wuxuuna xanuunka yaraadaa 1 ilaa 2 usbuuc kadib laakiin wuu soo laa laabtaa haddii dillaaca aan la saxin qofkana wuxu dareemaa xanuun
aad moodo in wax jilibka kaa muday,
dhaq dhaqaaqana wuxuu noqdaa mid xadidan xanuun ka jilibka aawgii.
Hadduu dilaaca daran yahay meesha kama dhaqaaqi karo qofka jilibkana wuxuu noqdaa mid takaateysan xanuun badanna wuu keenaa.
Dillaaca miniskaska waxaa lagu arki
karaa baaritaanka loo yaqaano (MRI)
xalka arrintaani waxay ku xiran tahay
sida uu u dilaacay ama u jeexmay
miniskaska jilibka iyo da'da aad jirto. Haddii dillaaca uu yahay mid yar oo uu
qofku ka bogsoon karo waxaa lagu la
taliyaa inuu nasto, lugtana la duubo iyo inuu sameeyo jimicsi fudud.
Haddii xaalku noqdo mid xun daaweynta waqtigeedana laga dib dhacay dillaaca na uu noqdo mid xumaaday oo aan helin daaweyn deg deg ah waxaa lagu sameeyaa jilib ka qalliin lagu saxo dillaaca.
Mustaqbalka jilibkaaga wuxuu ku
xiran yahay dhaawaca gaara jilibka iyo
daaweyn rasmi ah oo aad hesho waayo jilibka wuxuu ka mid yahay xubnaha xanuuna dooda soo noq noqdaan iyo xubnaha si sahlan wax ku noqda ama ku dhaawac ma.
Haddaba haddii aad isku aragtay jilib xanuun jilibka oo ku barara xanuun ka iyo barar ka jilibka na yihiin kuwo markasta soo noq noqda ama uu jiro nooc kasta oo jilba xanuun ah ama jilbaha kaa gaareen dhaawac fudud iyo mid culus ama waqti hore ku gaartay jug iyo wixii lamid ah la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah dhamaan xanuunada iyo wax yeelooyin ka gaara iyo cudurada ku dhaca jilbaha dhamaan inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin