Aaryada ka soo baxda xubinta taranka ee haweenka waa xaalad jirta laguna
magacaabo "Flatus Vaginalis ama
Vaginal Flatulence", waxayna ka dhalataa aaryo ku aruurta xubin ka taran ka taasoo cadaadis xoog leh ku soo baxdo wax yar ka dib waliba marka uu qofku sameeyo wax cadaadis abuuraya sida in qofku fariisto, ama fooraarsado ama isagoo waxba
sameynin mararka qaar Hawada markii ay soo baxayso waxay lahaan kartaa gariir ama guux inta ba . Waxay badanaa hawada gashaa xubin ka taran ka ee haweenta xiliyada haweentu sameyso galmo ,ama jimicsi ama haweenta oo aan waxna samayn haddii aad leedahay cudurka murqo dabac sanaanta ee xubin ka taranka haween ka ku dhaca mararka qaar kood haween ka ayaa isku arki kara aaryo ama neef ka timaada xubin ka taran ka haweenka
dhalmada ka dib) Hawada waxay u soo baxaysaa sida neefta ka timaada meesha saxarada oo kale laakiin malahan wax ur ah, in kas too badanaa wax dhibaato caafimaad aysan laheyn arrin taani laakiin waa wax xishood iyo
dhaxdin ku abuura haweenta marka ay isku aragto. Hadii hawada soo baxayso ay leedahay
ur sida neefta ka timaada meesha saxarada waa in si deg deg ah loo daaweeyaa cilladaana waxaa badanaa sababta (Fistula) ama dalool isku furan oo u dhaxeeyo dabada iyo xubin ka taran ka haweenta ee farjiga. Xaaladaan kuma xirna da'da iyo in haweentu tahay gabar iyo in aysan aheyn gabar intaba waana isku arki karaan gabdhaha iyo dumarka kaleba.
Sidoo kale waxaa jiraan cuduro kale oo keeni kara xaaladaan oo kale isla markaana haweentu isku arki karto cilladaan si joogta ah cuduradaasi waxaa kamida cudurada sababa dabaca murqaha xubin ka taran ka haweenka ee farjiga iyo sidoo kale cudurka baabasiirka oo isagu caan ku ah arrintaan.
Sidoo kale waxaa jirta iyadana xaalad kale oo haweenka ku dhacda qaab ahaana u dhow cilladaan balse kala duwan tan dambe haweenta ayaa isku aragta hawo ama uumi ka soo baxaya farjiga ama dabada iyo farjiga ba oo wada socda umuur tan iyo tan haatan aan ka soo hadal nay waa kala duwan yihiin cilladaan uumiga ka soo baxaayo farjiga ama farjiga iyo dabada badanaa waxaa la socota waran ama qori oo kale in dabada ama farjiga kaa duraayo oo kale sidoo kale tani waa cillada dambe ee waxaa la socdaan xanuuno iyo cillado kale oo badan oo jirka dhamaan laga dareemayo.
Haddaba haddii aad leedahay cillada haan iyo dhamaan cillado kale iyo xanuuno kaleba jirro iyo xanuunana kula dariseen ama ay jirto dhibaato caafimaad darro meel kasta oo aad joogto la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.