Waa maxay soo dhaa dhicidda makaanka dumarka? Soo dhaa dhicidda makaanka ama waxa loo yaqaanno (Uterine Prolapse) waa xaalad
makaanka uu ka soo durqo booskiisii lagu yaqaanay una soo dhaadhaco hoos isagoo ka soo muuqan karo xubinta dhalmada ee haweenka farjiga
Waa xaalad makaanka dumarka dibadda u soo baxo. Haddii makaanka uu soo muuqdo uuna soo gaarin farjiga haweenta waxaa loo yaqaanaa
soo bixid aan dhameystirneen
laakiin waxaa dhici karta in uu soo wada baxo uuna noqdo mid dhameestiran.
Maxaan dareemi karaa ama dareemi doonaa?
Badanaa xaaladaha sahlan ee makaan soo dhaca haweenka wax calaamado
iskuma arkaan inkastoo qaarka kalane ay dareemi karaan calaamadahaan hoos ku xusan:
1: cadaadis iyo culeys miskaha ah
2: Xanuun dhabarka iyo caloosha qeybteeda hoose waa ubucda iyo xudunta hoosteeda .
3: Xanuun waqtiga galmada
4: Caabuq iyo hurgun ama infection kaadi heysta iyo guud ahaan kaadi mareen ka ah oo soo noq noqda
5: dheecaan iyo qoyaano ka imaanaya farjiga haweenta
6: Saxaro adeyg
7: Xanuun xagga kaadida marka haweenta kaadinayso
8: Kaadida oo kaa baxsata ama deg deg siinyo xagga kaadida ah
Maxaa keeno soo dhicidda makaanka? Makaanka waxaa ku hayo booskiisa murqo iyo seedo xoog badan oo ilaah ugu talo galay, wuxuuna soo bixi karaa kaliya marka ay ku timaado dabac sanaan murqaha iyo seedaha makaanka ku hayya booskiisa taa soo keeni karto in ay sii xajin waayaan makaanka uuna
hoos u soo laa laad samo:
1: Duqoobista waxay keentaa murqo
dabac sanaan jirka oo dhan taa soo ay ku jirto murqaha xajiya makaanka
2: Dhaawac gaaro haweenta xilliga
dhalmada (waliba haweenka dhasha badan ama kuwa dhalay ilmo waaweyn macnaha ilmaha ka weyn 3 kilo xilliga la dhalayo)
3: Wax yaabo kaalmeyn kara in murqaha
dabcaan makaanka ama riximka na hoos dibadda farjiga u soo dhaa dhaco sida
1: Cayilka
2: Qufaca
3: Jiirashada.
Yuu ku dhacaa soo dhicidda makaanka?
cilladahaani Waxa ay ku badan yihiin haweenka dhasha badan ama haweenta dhalmo deys ka ah arrimahan oo ka dhalasha markii
ugxan sidaha uu hawl gabo isagoo joojiyo soo deynta hormoonka Istirojiin (estrogen) oo xoojiyo murqaha makaanka.
Ma badan tahay cilladaan?
Aad uma badno laakiin waxuu qofka
jaanis ka in cilladaan ku dhacdo siyaadaa markasta oo ay da'diisa
kororto. Sidee lagu ogaadaa soo dhicidda makaanka?
Waxaad ku garan gartaa 3 qaabood oo kala ah
1: in aad isku aragto dhamaan calaamadaha aan kor ku soo xusnay
2: in aad aragto makaanka oo dibadda u soo baxa ama soo gala farjida
3: in dhakhtarka sameeyaa baarid
miskeed isagoo dareemi karo inta uu soo baxsan yahay makaanka.
Sidee loo daaweeyaa soo dhicidda makaanka?
Daaweynta waxaa loo kala qaadaa
1: daaweyn aan aheyn qalliin
2: daaweyn qalliin la adeegsanayo iyadoo ay ku xirantahay heerka uu gaarsiisan yahay soo dhaadhicidda makaanka.
Daaweynta aan qalliinka aheyn
1: daaweyn rasmi ah iyadoona daawo loo qaadanayo muddo 2 bilood oo xiriirta ah inshaa allaah
2: Jimicsi: waxaa jiro jimicsi loogu tala
galay adkeynta murqaha miskaha oo lagu magacaabo (Kegel Excercise) kani
wuxuu noqon karaa daawo kaliya markii ay xaaladdu tahay mid sahlan sida soo dhicid aan dhameys tirneen (Sida loo sameeyo jimicsi gaan waxaan uga hadli doonnaa qoraal kale inshaa allaah)
3: Qalab ka sameysan cinjir oo lagu
taageero makaanka surkiisa si
uusan u soo dhicin, waa qalab joogto loo
gashanayo, si joogto ahna loo nadiifinayo waana in la iska siibaa ka hor mar kasta oo la sameynayo galmo.
4: Haweenka dhalmo deyska ah waxaa la siiyaa hormoon maadaama uu ka maqan yahay hormoonkii aan kor ku soo xusnay.
Daaweynta qalliinka ah
1: Saarista makaanka waxaa la sameeyaa markii makaanka oo idil ka soo baxo booskiisa. (uur iyo dhalid ma jiri doonto haddii la bixiyo makaanka)
2: Minka oo lagu celiyo booskiisa iyadoo
la adkeynayo seedahiisa laguna qabanayo qalab loogu tala galay.
waa maxay dhibaatada ay keeni karto soo dhaadhicida makaanka?
Haddii aan la daaweyn waxay dhibaato iyo carqaladeyn ku keeni kartaa
1: kaadinta
2: saxaro dhigidda
3: galmada.
4: dhalmada
Ma laga hortagi karaa soo dhaadhicidda
makaanka?
Waxaa jirto dhawr tillaabo oo haddii aad
sameyso iska yareyn kartid khatarta
cudurkaan:
1: Culeyskaaga oo aad xakameyso
2: Samey jimicsi joogto ah 'Kegel
Excercise'
3: Cun cunno isku dheeli tiran.
4: Jooji sigaar cabidda
5:Haddii aad dhalmo deys tahay oo aad waqtiga dhalmada ka baxday waa inaad daawooyin hormoona daada kor u soo qaada isticmaashaa daawoyin kaasna waxaad soo weydiisaan xaruntan taqasusiga ah inshaa allaah.
6: Ha qaadin culeys xad dhaaf ah leh
7: Haddii aad leedahay qufac joogto ah
iska daaweey waxey sabab u noqon kartaa asbaabaha cilladaan keeni karta.
Si kasta ha ahaatee xaaladaan iyo cilladaan haweenka kala soo darista makaanka ayaa ah cillad iyo xaalad keenta ama sababta dhibaatooyin badan sida xanuun dhalmo la aan iyo kuwo kaloo badan haddaba haddii aad leedahay dhibaatooyin la xiriira makaanka ama riximka ama guud ahaan cudurada la xiriira xubnaha taranka ama uu jiro cudur iyo xanuun kula darisay ama cillad aadan hore u lahaan jirin la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaale caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.