TOOS ULA XIRIIR DHAQAATIIRTA +16468272744 AMA +16314883563

+16468272744 AMA +16314883563
NUMBARKA HORE WAXAAD U ADEEGSAN KARTAAN WICITAAN KA TOOSKA VIBER IYO WHATSAPP INTABA
WAAD
MAHAD SAN TIHIIN

WAXAAD SI TOOS AH NAGA LA SOO XIRIIRI KARTAAN TELKA KALA AH +16468272744 AMA +16314883563

SIDOO KALE
+390918777633 AMA

WHATSAPP 16468272744

WAAD MAHAD SAN TIHIIN

VIBER KU WAA +16468272744 AMA +447441954777 XIRIIRKA TOOSKA WAA +16468272744 +16314883563

+16468272744 AMA +16314883563 MAHAD SANIDIIN

WAXAAD NAGA HELEYSAAN WhatsApp NUMBERKA AH +447441954777

WhatsApp KU WAA +16468272744
+447441954777
VIBER KU WAA +16468272744

+447441954777

WAXAAD DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA ADEEGSO VIBER NUMBER KA AH +16468272744

HADDII WICITAAN KA MAREYKANKA FREE KUU YAHAY WAXAAD NA GALA SOO XIRIIRI KARTAA TEL KA AH +16468272744 Waxaad dhaqaatiirta kula kulmi kartaa online ka adigoo adeegsanaya emailada kala ah nalasooxiriir@gmail.com nalasooxiriir@doctor.com Mahad sanidiin

LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA



SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON







NUMBERADA KALA AH +16468272744







AMA KAN KALE EE AH +447441954777







HADDII WICITAAN KA DALKA MAREYKANKA UU FREE KUU YAHAY AMA AAD ADEEGSATO VIBER KA WAXA AAD NA GA LA SOO XIRIIRI KARTAA TEL NUMBER KA







+16468272744







CINWAANADA EMAILKA KALA AH







nalasooxiriir@live.com







nalasooxiriir@gmail.com







nalasooxiriir@doctor.com







SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA WAQTI KAMIDA 24 KII SAAC CINWAAN KU WAA







nalasooxiriir@gmail.com







MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS

Saturday, December 10, 2011

Cudurka kansarka

Waa maxay kanasarka? Kansarku waa
cudur saameeya dad aad u fara badan.
Dad badan ayaa marka ay
maqlaan cudurkan waxaa gasha baqdin.
Cabsi daas ayaa mar marka qaarkood
dadka ku dhiiri gelisa iney wax ka ogaadaan cudurkaan waxeyna isku
dayaan iney wax ka bedelaan caafimaad
kooda si ay uga hor tagaan in uu ku
dhaco. In aad wax badan ka barato
kansarka ayaa ah wado kuu sahleysa in
cabsida kansarku kaa yaraato. Kansarku wuxuu ka mid yahay koox
badan oo cuduro ah, waxaana lagu
gartaa in unug yada jirka ka tirsan ay u
shaqeeyaan si aan caadi ahayn. Jirka
dadku wuxuu ka kooban yahay balaayiin
unugyo yar yar. Unuga ayaa abuura qeyb kasta oo jirka ka tirsan, sida
maqaarka, lafaha, wadnaha, sambabada,
iyo xubno kaleba. Caadi ahaan unugyada
ayaa iskood u tarma si ay u kaalmeeyaan
koriimada iyo qeybaha kale ee jirka.
Marka unugu bilaabo inuu u tarmo ama u kala qaybsamo si aan caadi ahayn,
waxaa taa loo yaqaan buro (tumor).
Buradu waxay noqon kartaa buro aan
kansar aheyn ama aan kansareysneen iyo
buro kansar ah oo kansareysan.
Burada aan kansareysneyn waa ay kortaa laakiin kuma fido qaybaha kale ee jirka.
Waxay keeni kartaa dhibaatooyin la
taaban karo, sida is-hortaag ama waxay
u ekaan kartaa wax aan caadi ahayn,
laakiin badanaa waa la daaweeyaa ama
waa la qalaa, dibna uma soo baxdo. Laakiin Burada kansareysan waa kansar
Buradaasi kansareysan ayaa ku qaada
weerar ama duulimaad qeybaha kale ee
jirka. Waxayna ku fidi kartaa qeybaha
kale ee jirka, iyadoo abuureysa burooyin
cusub (burada noocan ah ayaa la yiraah daa metastasis). Marka buradu
kansareysan tahay, unugyada ayaa u
korayya si aan la xadidi karin. Mar marka
qaarkood, hadii xataa buradii ugu
horeysay qaliin lagu jaro, cudurka ayaa
weli ku sii kori kara meeshii uu ka bilawday ama qaybo kale oo jirka ka
tirsan waa hadii burooyin kansar ah ay
horey ba ugu faafeen qeybaha kale ee
jirka.
Maxaa keena kansarka?
Kansarku wuxuu sameysmaa marka isbedel uu ku dhaco qeybta unugga ee
maamusha dib u taranka unug yada
cusub ama kala qeybinta unug yada kale
ee jirka. Isbedeladaan waxay abuuri
karaan cudurro kale, sida Cagaar shawga
B ee ku dhaca beerka, ama cudurada laga qaado cabidda sigaarka. Culumada
Sayniska ayaa isku raacday in dadka uu
ku dhaco kansarka qaarkii marka ay si is
daba joog ah ama ba muddo badan la
kulmaan mid ama dhawr ka mid ah wax
yaabaha la yiraahdo (kansar keene). Kansar-
keenayaasha ayaa unug yada jirka u
oggolaada inay u koraan si aan caadi
aheyn. Tusaalooyin ka kansar-
keenayaasha waxaa ka mid ah sunta
cayayaanka lagu buufiyo, raajada, sunta kiimikada, iyo daamurka ku jira sigaar
ka.
Waxaa kaloo sii dheer taas cabidda
badan ee sigaar ka ayaa kuu keeni karta
inuu ku gu dhaco kansarka sambabada,
dhuunta ama kaadi-haysta. Kansarka qaarkiisa sida kan mindhicirka, kan
qanjirada kan xiniinyaha, kan naasaha
iyo kan maskaxda illaa iyo hadda ma
cadda lamana garanayo sababaha keena.
Sidoo kale lama garanayo sababta dadka
qaarkii ay u qaadaan nooc yadaas kansarka ah halka dadka qaarkiina
uusan ku dhicin. In la iska
Daaweeyo cudurka cagaarshawga ee
beerka ku dhaca (hepatitis), iska
ilaalinta qoraxda jirka gubta ama
joojinta cabidda sigaarka ayaa kaa yareyn doonta fursadda ah inuu san
kansar kugu dhacin. Baarid waqti
hore (screening) oo lagu raadinayo
kansarka (marka kansarku uu yar yahay,
uusan ku fidin jirka qeybahiisa kale)
ayaa keeni karta in la bilaabo daweynta kansarka taasoo kaa bogsiin doonta
kansarka, kaana joojin doonta
dhimashada kansarka ka timaada. Wax
yaabaha keena kansarka qaarkii ayaa la
is qaadsiin karaa, laakiin kansarka
laftiisa la isma qaadsiiyo. Ma qaadaysid kansar haddii aad ag joogto
qof qaba cudurka. Noocyo kansarka ka
mid ah, sida kan Naaska ama
mindhicirka, ayaa layska dhaxli karaa oo
reer kaaga aad ka dhaxli kartaa. Khatar
weyn na waxaad u tahay inuu ku gu dhaco nooc yadaa mid ka mid ah hadii
dad ama qof reera hiina ah uu ku dhacay
mar hore.
Calaamadaha digniinta u ah ee lagu
garto kansarka waxaa ka mid ah:
1: Culeys badan oo aad lumisid adigoo aan wax jimicsi ah sameyn.
2: Qufac aanan dhamaan qaaxana aan
aheyn (TB)
3: Matag dhiig wata,
4: qufac dhiig leh ama
5: saxaro wadata dhiig oo kaa timaada 6: Dhiiga aan caado aheyn oo ka yimaada
farjiga dumarka
7: Isbeddalo aan caadi aheyn oo baro
baro ah ama ka muuq da maqaarka
8: Dhaawac soo gaara maqaarka oo aan
bogsan. 9: Dareemid daal fara badan iyo tabar
darro aan sabab laheyn.
10: Burooyin kaa soo baxa ama kugu soo
kordha
11: Xanuun aan la garaneyn meel uu ka
yimid Haddii aad isku aragto calaamada haan micna heedu ma ahan in aad
kansar qabto.Waxaa keeni kara cudurro
kale. Hadii aad qabto hal ama in ka
badan caalaamada haan la soo xiriir
dhaqaatiirta website kan inshaa allaah
siaad u ogaato sababaha keenay. Daryeelka caafimaadka ee ka- hortagga
iyo daweynta kansarka - saameynta
wax yaabaha hagaajiya caafimaadka.
Daryeelidda caafimaadku waa wax aad
muhiim u ah, waxaana lagaa doonayaa
oo laga maarmaan ah inaad cunto cunno dheeli tiran, jimicsi, aad na fiiro u
yeelato jirkaada haddii aad dooneyso
inaad caafimaad qabto. Waxaa kaloo
aad muhiim u ah inaad dhakhaatiirta
aragto markaad isku aragto
calaamadaha digniinta u ah kansarka ama wixii kale ee la xiriira dhinacyada
kale ee caafimaadka. Dhakhaatiirta
waxey kuu diri karaan baaris ku saabsan
dhinaca kansarka adigoon iskuba arag
calaamadaha uu leeyahay kansarku.
Waxa dhici karta in dhakhaatiirta ayna kaa helin kansar, laakiin cudurka marka
hore loo helo waxay taasi kordhinaysaa
suurto galnimada in cudurka la daweeyo
Waxaa jiraan noocyo kala du duwan oo
kansar ah. Kansarka qaarkiis way
fududahay in la daweeyo marka la bar bar dhigo cudurada kale.
Hadii kansarka goor hore la arko,
dhaqaatiirtu waxa ay isticmaali karaan
daaweynta cusub ee dhibka yar una
fudud bukaanka. Hadii la arko kansarka
goor hore, dhakhaatiirtu waxa ay fursad fiican u helaan inay si guul leh cudurka u
daaweeyaan. Qabida kansarka
micnaheeda ma aha in aad u
dhimaneysid kansar. Dadka qaba
kansarka badanaa waa laga daweyn
karaa umana dhimanaayaan kansarka. Hadii aad qabto kansar, ha rajo dhigin.
Waxaa muhiim ah in aad daawo doonato
maxaa yeelay kansarada badankood waa
la daweyn karaa.
Sidoo kale kansarka waxaa sababa inuu
qofka ku dhaco in aan la iska daaweyn cudurada oo waxaa jirta cudurro badan
oo kansar isu badela marka ay raagaan
oo aan la iska daaweyn badanaa marka
aan cudur aan la iska daaweyn waxaa
dhacda in cudurkii isku bedelo kansar iyo
cudurro kale ba tusaale cagaar shawga B waa (hepatitis B) waa cudur beerka ku
dhacee haddii aan si dhaqso ah la isaga
daaweyn wuxuu sabab u noqon karaa
inuu kugu dhaco cudurka kansarka. Sidoo
kale infection ka galmada lagu kala
qaado ee ( HPV ) ga loo yaqaano badanaana ku dhaca xubnaha taranka
wuxuu keenaa sababaa kansarka ku
dhaca riximka dumarka. Haddaba hadii
aad qabto cudurka kansarka ama uu ku
hayo wal wal la xiriira cudurka kansarka
ama uu hayo qof kamida ehelkaada ama asxaabtaada la soo xiriir dhaqaatiirta ka
howl gasha website kan dhaqaatiirta
ayaa kaa caawin doonta inshaa allaah
daaweynta cudurkaan inshaa allaah
mahad sanidiin.