LA SOO XIRIIR DHAQAATIIRTA WEBSITE KANI

WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KALA



SOO XIRIIRI KARTAAN TELEFOON







NUMBERADA KALA AH +254717333261







AMA KAN KALE EE AH +254729707011







TELEFOON KA FIXED KA AH WAA







+254 202 586 300







CINWAANADA EMAILKA KALA AH







nalasooxiriir@live.com







nalasooxiriir@gmail.com







nalasooxiriir@yahoo.com







SIDOO KALE WAXAAD SI TOOS AH DHAQAATIIRTA KULA KULMI KARTAA ONLINE KA 12 SAACADOOD 24 KII SAAC BA CINWAAN KU WAA







nalasooxiriir@outlook.com







MAHAD SANIDIIN.

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD

DAAWEYNTA DHAMAAN CUDURADA GUUD
Xarumaha caafimaad ka website yadan ayaa kuu diyaariyeen daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhamaan xarumaha caafimaad ka iyo dhaqaatiir tooda ba waxa heegan buuxa u yihiin sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed ee xanuun sanaya meel kasta oo ay dunida ka joogaan daawooyin iyo daaweyn rasmi ah waxaa diyaar idiin la ah dhamaan xarumaha caafimaad ka ee website yadan la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u hesho xal caafimaad oo waara inshaa allaah mahad sanidiin.

WE TREAT GOD HEALS

WE TREAT GOD HEALS

Murqo xanuun

Murqo xanuunku waa xanuun dadka la
dersa
wuxuuna ku dhacaa hal muruq iyo in ka
badan ba.
Murqo xanuunku waxaa la socon kara
mergiyo xanuun, seedo xanuun, Lafo xanuun iyo xanuun ku dhaca soohyada
isku haya murqaha iyo xubnaha la
xiriira ba. Murqo xanuunku badanaa
wuxuu la
xiriiraa kacsanaanta qofka, welwelka,
murqaha oo aad loo adeegsado ama jug ka soo gaarta jimicsi ama shaqo culus.
xaaladahaasi xanuunku wuxuu ku
dhacaaa murqaha kaliya ee culeyska la
saaray ama dhaawaca soo gaaray
wuxuuna bilawdaa isla markii dhibku
dhaco ama jimicsiga ama hawshu dhamaato. taasi oo u sahleysa qofka
inuu ogaado waxa u keenaya murqo
xanuunka. Murqo xanuunka wuxuu kaloo
calaamad
u noqdaa dhibaatooyin kale oo
saameeya jirka oo idil sida caabuqidda (infakshannada), tusaale ahaan ifilada/
hargabka.
Wuxuu kaloo calaamad u noqon karaa
cudurro asiiba murqaha iyo soohyada
isku haya jirka oo dhan sida cudurka loo
yaqaanno "Lupus" ee haweenka u badan. Waxaa kaloo jira cudurro sidoo daba ku
dhaca murqaha kaliya oo badanaa
calaamado kale wadan. Sababaha keena
murqo xanuunka Waxyaabaha ugu caan
san ee keena
murqo xanuunka waxaa ka mid ah: 1:Dhaawac ama jug soo gaaray murqaha
sida murgacashada ama culeys xad dhaaf
ah oo la saaro.
2: In adeegsiga murqaha laga badiyo
ama si dhakhso ah loo isticmaalo taasoo
muruqa u adkaysan karin. 3: Kacsanaanta iyo welwelka qofka.
4:Qaadashada daawooyinka qaar sida
daawooyinka loo yaqaanno "ACE
inhibitors" ee hoos loogu dhigo
cadaadiska dhiigga,
5: Daawooyinka"Statins" ee lagu yareeyo dufanka
Kolistaroolka iyo daawada "Cocaine" ee
lagu yareeyo xanuunnada, dadka
qaarkood na qabatimaan.
6: Huridda iyo balbalidda wadajirka
murqahaiyo oogada ee loo yaqaan "Dermatomyositis"
7: Carqalad ku timaada macdanta jirka ku
jirta sida soodyamka, bootaasyamka iyo
kaalshiyamka.
8: Cudurka "Fibromyalgia" oo kudhaca
murqaha iyo soohyada dunta ah ee loo yaqaanno "Fibrous".
9: Infakshannada oo ay ka mid yihiin:
ifilada, malaariyada, muruq-malaxawga,
dabeysha iyo gooryaannada qaar.
10: Cudurka "Lupus" ee dhaawaca
murqaha iyo maqaarka. 11: Cudurrada keena murqo-lafo
xanuunka
sida roomaatiisam ka lafaha iyo murqaha
ee loo yaqaano
"Polymyalgia rheumatica" iyo
"Polymyositis" 12: Cudurka sumoobidda murqaha ee
"Rhabdomyolysis" (soohyada murqaha
ayaa go'go'a sun darteed)
Sidoo kale cudurada keena murqo
xanuunka waxaa safka hore kaga jira
ugu na badan murqo xanuunka dadkeena soomaalida ka cawdaan cudurka
baabasiirka oo isaga ah cudur saameeya
qeybaha ugu muhiim san jirka banii
aadamka wuxuu na bur buriyaa difaaca
jirka. Sidoo kale waxaa kamida
xanuunada sababa murqo xanuunka gaaska ku dhaca caloosha.
Sidoo kale cudurka sonkorowga ayaa
isaguna keeni kara murqo xanuun.
Nafaqo darida ayaa ka mida wax
yaabaha sahli kara in qofka ku dhaco
murqo xanuun. Waxaa ka mida xanuunada keeni kara murqo xanuunka
iyo lafo xanuun ka ba marka uu ku dhaco
( quumanka ) caabuq infakshan ah oo ay
sababto nooc kamida bacteri yada ayaa
hadii aan deg deg loo daaweeyn keeni
karta iney dhiiga u gudbiso lafo xanuunka iyo muqo xanuunka
roomaatiisamka loo yaqaano ugu
dambeyntana hadii aan deg deg loo
daaweyn u sii gud ba wadnaha iyadoo
keenta roomaatiisamada wadnaha.
hadii aad isku aragto murqo xanuun joogta ah ama uu la socdo lafo xanuun
ama uu ku hayo xanuunada keena murqo
xanuunka la soo xiriir dhaqaatiirta ka
howl gasha website kan dhaqaatiirta
waxey gacan kaa siineysaa ogaan shaha
waxa sababaya murqa xanuun kaada iyo daaweyn rasmi ah oo ku haboon xanuun
kaada si fudud noogu soo gudbi hadii aad
isku aragto murqo xanuun iyo lafo
xanuun joogta ama aad ku aragto
ehelkaada asxaabtaada waxaan diyaar u
nahay inaan ku caawinno inshaa allaah. Mahad sanidiin.