mooska magaca loo yaqaano waa ( herbaceous plants) wuxuuna ka tirsan yahay group ka loo yaqaano ( genus musa) miraha moosku waa kala duwan yahay size ahaan iyo midab ahaan inta ba. Waxaa jira noocyo moos ah oo midabkuudu yahay ( yellow, purple, red) scientifically magaca loo yaqaano mooska waa ( musa acuminata ama musa balbisiana)
Beerashada iyo isticmaalka mooska wuxuu ka soo jeedaa koonfurta iyo koonfur bari qaarada asia gaar ahan meesha loo yaqaano papua new guinea.
Laakiin maanta waxaa beerta mooska in ka badan 107 wadan caalamka oo dhan.
Mooska waa geedka ugu weyn (herbaceous group) kuwooda ubaxa bixiya.
Dhererka moosku wuxuu gaaraa 6 ama 7.6 metres ( 20 - 24.9 ft)
Caleenta mooska koritaan kooda wuxuu gaaraa dhererka 2.7 metres ( 8.9ft) ballarka wuxuu gaaraa 60 cm ( 2.0ft)
Qiimaha nafaqo ee ku jira mooska.
Energy 371 kJ (89 kcal) Carbohydrates 22.84 g - Sugars 12.23 g - Dietary fiber 2.6 g Fat 0.33 g Protein 1.09 g Vitamin A equiv. 3 μg (0%) Thiamine (vit. B1) 0.031 mg (3%) Riboflavin (vit. B 2) 0.073 mg (6%) Niacin (vit. B3) 0.665 mg (4%) Pantothenic acid (B5) 0.334 mg (7%) Vitamin B6 0.4 mg (31%) Folate (vit. B9) 20 μg (5%) Choline 9.8 mg (2%) Vitamin C 8.7 mg (10%) Calcium 5 mg (1%) Iron 0.26 mg (2%) Magnesium 27 mg (8%) Manganese 0.3 mg (14%) Phosphorus 22 mg (3%) Potassium 358 mg (8%) Zinc 0.15 mg (2%).
Faa iidada caafimaadka u leeyahay cunitaanka mooska waxaa ka mida.
1: moosku wuxuu qani ku yahay maadada potassium.
2: mooska waxaa ku jirta Iron.
3: moosku wuxuu kaa caawinayaa in uu kordho miisaan kaada.
4: moosku wuxuu meesha ka saarayaa calool fadhiga caloosha ayuu jilciyaa.
Mooska waxaa ka buuxa potassium wuxuu kaa caawinayaa dhiirg karka ka hortag ahaan iyo caawin ahaan ba.
5:mooska wuxuu xoojiyaa awooda maskaxda.
6: moosku wuxuu kow ka yahay waxyaabaha la isaga caabiyo anemia da wuxuu ku siinayaa tamar badan.
7:potassium ta mooska laga helo waxey kaa caawineysaa in lafahaagu bad qabaan.
8:mooska waxaa ku jirtaa 3 nooc oo kamida noocyada sokorta sameeyaya tamarta. Waxeyna kala yihiin.
sucrose, fructose iyo glucose. Maadooyinkaa sokorta dabiiciga ah ee ku jira mooska iyo tan kale ee iyadana mooska ku jirta ahna (fiber) ayaa waxey ku siinayaan tamar ama awood badan.
9:daraasad dhawaan la soo gaba gabeeyay ayaa xaqiijisay in 2 xabo oo moos ahi ku siinayaan energy muddo 90 daqiiqadood oo waqti shaqo ah.
Mooska maanta waxaa soo beegsada qolyaha jir dhiska sameeya sababta ayaa ah in moosku ku siinayo qiimo nafaqeed oo sarreeya.
Dhowr xanuuno oo moosku kaa caawin karo waxaana ka mida.
Calool fadhiga joogtada ah ( constipation) cun 2 xabo oo moos ah kadib na cab 2 galaas oo biyo ah 1 saac cashada ka dib muddo 45 maalmood ah.
Gaaska. Dadka qaba gaaska waxaa wanaagsan in markastaa ay cunaan mooska kuna dadaalaan cunitaankiisa.
Dadka dhiig karka qaba waxaa u fiican iney isticmaalaan mooska iyo kuwa isaga cabsi qaba intaba.
Waqtiyada la isticmaali karo mooska iyo qaabka loo isticmaalayo.
Mooska waxaa fiican in la cuno cuntada ka hor ama cuntada lagu dhex cuno sababtoo ah moosku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dheefshiidku ku culus yahay marka waxaa haboon in aan cuntada gadaasheed la cunin si durba u shiidmo oo wax tarkiisana loo helo waa in la cunaa cuntada ka hor ama cuntada lagu dhex cunaa.
Mooska aan ka hadleyno waa moos biseylka ama moos sukaariga loo yaqaano. Mooska aad cuneyso waa in uu ahaadaa mid aad u bisil waliba aad u bisil ma haboona in aad cunto moos aan bislaanin soomaalida mooska ay cunto ma bisla oo inta badan ma jecla mooska aad ka u bislaada balse faa iidada dhabta ah kan aadka u bisil ayaa laga helaa.
Sidoo kale waxaan somalida uga digeynaa cuntooyinka qaar oo ayan iska bisleyn sida bariiska iyo baastada iyo kuwo kaloo badan ba. Cuntada aan la iska bisleyn waxaa laga qaadi karaa gooryaano sababi kara xanuuno iyo waliba bacteria da qaarkeed oo iyada xanuuno sababi karta. Waad mahad san tihiin.