Tuesday, May 1, 2012
Qaar kamida sababaha keena daadashada timaha
Tima xanuunka ama waxa loo yaqaano
"Trichodynia" waa xaalad qofku ka
dareemayo xanuun dhalada waa madaxa
korkiisa ee gaar ahaan marka qofka uu
timaha shanley sanayo ama marka uu
timahiisa taabto xanuun ka timaha ayaa waxaa soo gudbiyaan neer faha ku jira
jirida hoose ee timaha. Xanuun kaan
waxa uu qofka u dareemaa sida
gubashada oo kale badanaana xanuun
kaas iyo timo daadashada (Alopecia)
way isla socdaan.
sida la wada ogyahay ilaa 100,000 oo
tima ah ayaa madaxa ku yaala sida
badan 50 ilaa 100 tima ah ayaa go'a
maalin walba.
tima haas oo bedal kooda kuwa kale ay soo baxaan taa soo wax dhibaato ah ku
heynin qofka in laga wal walana ma aha
laakiin hadii ay intaa ka bataan waxaa
keeni kara mid kamida wax yaaba haaan
soo socda:
1: qaar ka mida cudurada sida: 1: cudurka Sonkorowga oo aan la
koontaroolin.
2: Cudurrada xiriirka la leh hormoonada
"Endocrine diseases".
3: Cudurrada kilyaha ku dhaca.
4: Cudurrada beerka ku dhaca. 5: Daawooyin ka qaar ka mid ah sida:
1: Isotretinoin
2: Lithium
3: Daawooyin ka nafaqo ahaanta loo
qaato, waliba hadii ay ku jiraan
amphetamines. 4: in qofka lagu Daaweeyo kiimiko sida
daaweynta kiimikaad ee lagu daaweeyo
dadka kansarka uu ku dhaco.
daawooyinkan oo ah kuwa ugu caansan
ee keena timo daadashada, in kastoo
kansarada qaar ka mid ah sida kansarka dhiiga iyo kansarka qanjirada uu keeno
timo daadasho ka hor inta aan la qaadan
daaweynta kiimikaad ee maalmahan
dhaqaatiirtu u isticmaalaa daaweynta
cudurka kansarka.
Cudurka Alopecia areata: waa nooc ka mid ah cudurada maqaarka
oo keena timo daadasho, calaamada
lagu garto waxaa kamida
1: koobaabinno wareegsan oo timo
la'aan ah oo ku sameysma madaxa ama
meelo kale oo ka mid ah jirka sidaa darteed ayaa loogu bixiyay magaca
"Areata" oo laga wado "Area" ama
meelo ayey timaha ka daadinaysaa.
timahana dib ayey u soo baxaan muddo 6
bilood ilaa 2 sano guda hood.
Sidoo kale timaha oo daata waxaa keena Timaha oo la midabeeyo ama la feereeyo
ama daawooyin ka la mariyo qaarkood
ayaa keena timo daadashada ama in
cadaadis timaha muddo dheer lagu hayo
sida in maro lagu giijiyo sida in lagu
giijiyo taakada timaha oo ay xir taan gabdhaha qaarkood taa soo
keenta in timaha gadaal u jiido oo horay
ay ka guurto, cadaadis kaan oo keeno in
timahaas aysan dib danbe u soo bixin
maxaa yeelay waxa dhimanaya unugyadii
ay timaha a ka soo dhex bixi jireen. sidoo kale wax yaabaha keena timaha oo
daato waxaa kamida Nafaqo darro:
qofka oo cunto xumi ku dhacdowaxa ay
keeni kartaa timo daa dasho, arrin taas
oo ka dhalata jirka oo waayo fitamiino,
borotiino iyo macaadinta kale ee muhiim ka u ah koriimada timaha.
dadka khudaarta kaliya ku nool oo aanan
cunin cunnooyin ka borotiin ka leh sida
hilibka ukunta iyo kaluun ka iyagana
waa ay ku dhacdaa timo daadashada.
Sidoo kale waxaa jirta sabab kale oo lagu magacaabo carqaladeynta timaha:
Waa Carqaladeyn ku timaada wareega
koriimada timaha, tani waxaa keeni
kara isbadalo muhiim ah oo qofka ku
dhaco sida qaliin lagu sameeyo
haweenta marka ay dhasho ama qofka marka la suuxiyo, tani waxa ay qaada
neysaa bilooyin si timihii ay isu saxaan.
Bidaarta:
sababta koowaad ee keenta in ay timaha
ka daataan ragga waxa loo yaqaano
Bidaarta oo ay keenaan dhawr xaaladood oo isu tagay kuwaas oo ay ka mid tahay.
1: hormoono
2: dhaxalba
bidaarta waxa ay qofka ku bilaban
kartaa isagoo dhawr iyo toban sano jir
ah, waxay kaloo ku dhici kartaa ragga qaata hormoon ka "Testosterone" si ay u
dhisaan murqahooda.
Sidee tima haaga u xanaaneyn kartaa?
Xanaaneynta tima haaga ma' ahan in
aad daawo marisaa ama midabeysaa
waa 1: inaad qaadataa cunto isu dheeli tiran.
maxaa yeelay timaha waa qeyb ka mid
ah jirkaaga sida lugaha iyo gacmaha oo
kale.
2: Timahaaga haku dhaqin shaambo hal
mar ka badan maalintii. 3: Shukumaan ka si aad ah ha ugu qalajin
timahaaga.
4: Timahaaga ha kululeyn
5: haween kale yeysan kuu dabin timaha.
Haddaba haddii aad leedahay googo'a
timaha timahaaguna si joogta ah u daataan ama uu jiro xanuun iyo cudur
kuu keenaya timo daadashada ama uu
jiro xanuun marka aad shanley saneyso
iyo marka aad taabato timahaaga ama
uu ku galo dareen in madaxa iyo timaha
ba uu kaa galey cudur timahaaga na daadinaya la soo xiriir dhaqaatiirta ka
howl gasha website kan dhaqaatiirta
ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah
dhamaan xanuunada ku dhaca madaxa
iyo timaha iyo dhamaan cudurada keena
timo daada shada dhaqaatiirta ayaa kuu diyaarisay daaweyn rasmi ah waxaana
kamida daaweynta saliido 3 nooc ah oo
mid kastaa la marinaayo timaha hal bil 3
bilood dhamaan saliida haasi bi'idni
llaah waxa ay zuulinayaan dhamaan
cilladaha xanuunada iyo cudurada timaha la soo xiriir dhaqaatiirta si aad u
hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn
caawimaad inshaa allaah mahad
sanidiin.