Hepatitis B waa cudur xun kana dhasha
fayrus ka infection ka darani gaarsiiya beerka. Macnaha infection darani waa infection cusub. Infection ka Hepatitis B ga daran marar ka qaarkood waxaa uu keenaa infection raaga infection ka raaga ee beerka waxaa loo yaqaanaa hepatitis B (sidoo kalena loogu
yeedho marxaladda sidaha). In ka badan 90% ilmaha yar yar ka ah iyo in ka badan 50% carruurta waaweyni , iyo 5% dadka waayeelka ee qaba hepatitis B ga daran waxa uu ku noqdaa mid raaga ama infection muddo dheer socda. Kiisaska qaarkood, hepatitis B ga daran
waxaa uu keeni karaa cudurrada beerka
oo ay ku jiraan cudurada kala ah
1: cirrhosis
2: kansarka (burada) beerka gasha. Tallaalka hepatitis B waxaa heli kara da’
walba si looga hortago infection ka
hepatitis B.
CALAAMAADKA
Caadiyan calaamadaha cudurkaan waxaa la gartaa 6 usbuuc ilaa 6 bilood kaddib marka uu fayrus ka soo gaaro qofka (qiyaastii 2 bilood ka hor soo if bixidda calaamadaha)
Calaamadaha Dadka waaweyn, waxaa ka mid ah.
1: lalabo
2: caloosha oo kacsan upset stomach
3: cunno xumo
4:matag
5:daal
6: calool xanuun.
7: Kaadi huruud ah ama maariin ah
8: saxaro midab keedu cad yahay
9: shuban
10: cagaar show (indhaha ama jidhka oo
huruud ama cagaar noqda ayaa laga yaabaa in lagu arko.
Dadka qaba infection ka hepatitis B waxa ay wada lahaan karaan calaamadaha dhammaan tood ama qaar ka mid ah ama wax calaamado ah ma lahaan karaan.
Ku dhawaad dhallaanka oo idil iyo
carruurta waaweyn iyo 50% wayeelka qaba infection ka daran (cusub) maba lahan wax calaamado ah haba yaraate. Muddada uu cudurka soconayo waa ay
kala duwan tahay, dadka badankiis waa
ay ka bog soodaan muddo 3 usbuuc gudahood.
HEPATITIS B GU MA FAAFAA?
Fayrus ka waxaa uu ku nool yahay beerka waxaana uu ku jiraa dhiigga iyo
dheecaannada jidhka qaarkood. Faafidda waxaa ay dhacdaa marka la
taabto dhiigga ama dheecaannada jidhka uu fayruska ku jiro, sida wadaagidda irbadaha la isku duro, falalka isutaga ragga iyo dumarka xilliga dhalashada canugga, alaab la wadaagidda qof qaba hepatitis B, iyo wadaagidda qalabka nadaafadda (sida cidiyo jarka, sakiinta, cadayga). Tiro ahaan fayrus ka waxa uu ku badan yahay dhiigga iyo dheecaannada nabarrada ka soo baxa, balse waxaa uu sidoo kale ku jiraa isagoo yar shahwada ragga dheecaanada dumarka ee farjiga,
iyo caadada dumarka. Inkastoo tiro yar oo fayrus ka laga heli karo calyada, candhuufta balse uma badna in calyadu
ay faafiso hepatitis B, waa haddii uusan
qofka infection ka qaba marka af wax ku
goosashada uu dhaawac ka soo gaaro. Hepatitis B kuma faafo dhunkashada iyo
hindhisada.
GARASHADA CUDURKAAN
Hepatitis B waxaa lagu gartaa
baaritaan dhiig oo qofka laga qaado.
WAA MAXAY WAX YAABAHA AY TAHAY IN LAGA FOGAADO?
1: Kafogow khamriga.
2: sigaar cabidda
3:dhamaan mukhaada raadka oo dhan
DAAWEYNTA.
ha wel welin haddii uu ku haleelay cudur kaan dhibaato caafimaad daro oo weyna kugu keenay isla markaana aad tahay qof xanuun san dhaqaatiirta website kan ayaa kuu diyaarisay daawo rasmi ah oo kaa bogsiineysa cudurkaan bi idnillaah
La soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan si aad u hesho daaweyn rasmi ah inshaa allaah dhaqaatiirta ayaa kuu daaweyn fudud isla markaana qaadaneysa waqti kooban inshaa allaah la soo xiriir dhaqaatiirta ka howl gasha website kan si aad u hesho daawo rasmi ah talo iyo tusaaleyn caawimaad inshaa allaah mahad sanidiin.