Waa maxay oligospermia? waxaa
loo yaqaanaa noolayaasha shahwada
ragga ku jira oo tiradooda yar tahay (low
sperm count) waxayna ka mid
tahay asbaabaha ku keena ragga
dhalmo la aanta. Waxaa la dhihi karaa qofka wuxuu
qabaa sperm yari markii 1ml oo
shahwadiisa ah laga helo in ka yar 20
million oo sperm ah (sperms).
Waxaa badanaa la isku qaldaa sperm
yari (Low sperm) iyo shahwo yari (Low semen). shahwo yari waa biyaha ragga
oo yar sperm yarina waa unugyada
abuurka ragga oo u qaabilsan bacriminta
ugxanta oo yar. Shahwo yarida wuu
ogaan karaa qofka laakiin in sperm yari
jirto ma ogaan karo qofka ilaa inta laga baarayo oo sheybaar la
geeyo shahwada ka dibna la xisaabo 1
kii mililitar oo shahwo ah tirada
noolayaasha ku jira . Maxaa keeno sperm
yarida?
Sperm yarida waxaa keeno dhawr xaaladood oo ay ka mid tahay, cudurro,
daawooyinka qaar oo la isticmaalo,
hormoonnada iyo
vitaminnada qaar oo yaraado.
Waxyaabaha keeno sperm yarida waxaa
ugu horreeya 1:Dhibaatooyin la xiriira samaysanka
sperms ka, tani waxey ku dhacdaa dadka
ku dhasha dhibaato (hidda socod).
2: Xaniinyaha oo dhaawac gaaro waxay
keeni kartaa sperm yari ama sperm
la'aan. 3: Nafaqo darrida waxay keentaa sperm
yari waliba markuu jirka ku yaraado
curiya yaasha (Zinc, Selenium, Vitamin
C.4: Kuleel siyaado ah oo gaara
xaniinyaha
sida Saunas ka lagu qubeysto ama biyo aad u kulul oo ku istijooto.
5: Sigaar cabidda waxay keentaa sperm
yari.
6: Daroogada sida Cocaine ta
waxay yareeysaa sperms ka 50%.
7: Khamriga sidoo kale wuxuu dilaa Sperms ka marka dadka aad ka u cabo
waxay u keentaa sperm yari.
8: Waxaa jiro daawooyin badan oo keena
sperm yari sidaa darteed daawo ha
isticmaalin adigoon kala tashan
dhaqaatiirta. 9: Sunta iyo shucaaca qalabka qaarkii ee
loo isticmaalo baaritaanad waxay aad u
yareeyaan sperms ka.
10: sperm yarida waxay ku badan tahay
oo kale ragga cayilan. 11: Welwelka iyo
fikirka badan wuxuu keenaa sperm yari. 12: cudurka xididada xiniinyaha
spermatic cord ka loo yaqaano oo barara
(Varicocele) waxuu keenaa sperm yari
iyo dhalmo la aan.
13: Waxaa kaloo sperm yarida laga
qaadaa in qofka gacantiisa shahwada isaga keeni jiray muddo badan taas oo
loo yaqaanno (Siigeysi).
Sidoo kale waxaa keena ama sababa
sperm yarida cudurro aad u badan iyo
xaalado aad u badan waxaa jiraan dadka
qaar oo shahwadooda la soo saara jirka kala soo saara wax loo yaqaano ( anti
sperm) waa xaalad qofka spermkiisu lid
ku yahay sidoo kale waxaa iyadana
xaaladaa oo kale soo saari karta
haweenta iyadoona yeelan karta waxa
loo yaqaano anti sperm oo ah iney soo saarto haweenta wax liddi ku ah
shahwada ninkeeda.
Sperm yari macnaheedu waxaa weeye
noolayaasha ku jira shahwada ninka
ragga oo tiradooda aad u yar tahay ama
halkii mili litar ee shahwo ah noolayaasha ku jira iney ka yaraadaan 20
million oo noole.
Haddii shahwada ninka halkii mili litar
laga waayo in ku dhow 20 million oo
noolayaasha shahwada ku jira taa
macnaheedu waxaa weeye in ninkaa soo wajahdey xaalad dhalmo la aan waa
hadii alle qadaree sidaa awgeed
noolayaasha shahwada ku jira ayaa ah
furaha dhalmada ninka ragga yaraanta
noolayaasha shahwada ku jira iyo gaabin
ku timaada xawaaraha dhaq dhaqaaqa noolayaasha shahwada iyo in jirka
shahwada ka imaaneyso yahay jir
caafimaad qaba waxey si toos ah ugu lug
yeelaneysaa rajada in ninka ragga ah
wax dhalo. Sidaa awgeed haddii
noolayaasha shahwadaada ku jira yar yihiin ama ay ku heysato dhibaatooyin la
xiriira xagga dhalmada ama
dhibaatadaani heysato qof ka mida
ehelkaada asxaabtaada la soo xiriir
dhaqaatiirta ka howl gasha website kan
dhaqaatiirta ayaa kuu ballan qaadeysa inshaa allaah daaweyn caawimaad dhan
kasta ah talo iyo tusaaleyn badan inshaa
allaah la soo xiriir dhaqaatiirta si wax
badan lagaaga caawiyo mahad sanidiin.