Thursday, July 8, 2010
Ogeysiis muhiim ah
Dhamaan bahweynta soomaalida waxaan ogeysiineynaa in website kani yahay website caafimaad. Daawada.blogspot.com waa website ka faallooda wax tar daawo dhireedka iyo sida wanaagsan ee looga faa iideysan karo. Sidaad wada ogtihiin waxaa maalmahan soo kordhay xanuuno badan oo ay dhaqaatiirta wax ku daweysa daawoyinka kiimikada ee lagu soo farsameyo dalalka shisheyaha xal u waayeen. Waxaa dad badani la socdaa in daawo dhiredku yahay daawo mudo dheer so jirtay isticmaal keeduna ku cusbeyn dadka somalida ah. Balse hore u socod keda ama faa iidada badan ee laga heli lahaa waxaa caqabad ku noqday markii maamul keda gacanta u galay dad aan aqoon duruqsan u laheyn. Iyadoo ay jirto caqabada haasi oo dhan ayaa hadana daawo dhiredku noqotay xalka kaliya ee lagu wajihi karo xanuunada adag ee maanta dadkeena daashaday. Gebagebadi waxan ugu baaqayaa ummada somaliyed in dawada dhirta dabiciga la wajahan markasta oo xanun la soo darso. Fikirkada ka dhiibo. Website kani wuxuu ka shaqeyn doonaa taaba gelinta iyo baadi goobka in dadka somalida helaan daawo wax tar leh.